Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Galaya Maalintii...

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Galaya Maalintii 7aad

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in golaha wadatashiga qaran maanta mar kale kulan gaar ah la yeelanayaan wakiilo matalaya golaha midowga musharaxiinta mucaaradka.

Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa arimaha doorashada iyo amaanka dalka, waxa ayna golaha wadatashiga dhageesan doonaan arigtida iyo tallooyinka golaha midowga musharaxiinta.

Shirka golaha wadatashiga oo socday mudo isbuuc ah ayaa wararku sheegayaan in hada isku soo dhawaadeen hogaamiyaasha shirsan ayna isfaham ka gaareen inta badan qodobadii ay ka doodayeen iskuna hayeen.

Kulamadii ugu dambeeyay ee shalay yeesheen golaha wadatashiga qaran ayaa lagu waramayaa in ay qodobo badan isku fahmeen golaha wadatashiga ayna dhiman tahay in la qoro kadibna saxiixaan .

Golaha wadatashiga qaran ayaana la filayaa in ay soo saaraan war-murtiyeed ku cad qodobadii ay ku heshiiyeen gaar ahaan dhinaca doorashada iyo amaanka oo ahaa qodobada ugu adag ee shirka uga doodayeen.

Ad
Previous articleDiyaarada Kenya Airways oo laga Mamnuucay Dalka Imaaraadka Carabta iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next articleDeg Deg Dil Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here