Home Wararka Maanta Deg Deg Dil Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Deg Deg Dil Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ku dilay nin kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilka kadib baxsaday dhalinyaradii dilkaasi ka dambeesay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in dabley hubeesan oo katirsan kooxdaasi dileen Ismaaciil Max’med Aadan oo ay sheegeen in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay kuwaa oo ku guul dareestay in ay soo qabtaan ragii ka dambeeyay dilka oo la sheegay in si deg deg ah goobta uga baxsadeen.

Al Shabaab ayaa marar badan dishay odayaal iyo dad kale ay sheegeen in ay kamid ahaayeen ergadii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna horey Al Shabaab ugu hanjabeen in ay dilayaan cid kasta oo kamid noqota ergada Xildhibaanada dooraneysa.

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Galaya Maalintii 7aad
Next articleSamaara Style oo Dhawaan sheegatay Inay Tahay Gabadha Ugu Quruxda Badan Galmudug oo Saldhiga Booliska Looga yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here