Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ruushka iyo Ciidamada Ukrain oo Guulo soo...

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ruushka iyo Ciidamada Ukrain oo Guulo soo Hooyay(Sawiro)

0

Ciidamada Ukraine ayaa waxaa u suuragashay inay dib uga riixaan Ruushka magaalada caasimada ah ee Kyiv oo ay markii hore ay kaabiga soo saareen, waxay dib u qabsadeen magaalada Irpin oo dhacda duleedka caasimada.

Goobo kale oo ku dhow caasimada Kyiv, ciidanka Raashiya dib ayaa looga qabsaday, waxay taasi ka dhigan tahay in iska caabintii Ukraine ay miro dhashay oo Ruushku dib uga gurtay goobahaasi.

Ruushka ayaa u muuqda inuu beddalayo qorshihiisa dagaal oo sidii uu filayey ka cuslaaday, waxay u badan tahay in hadda uu xoogga saarayo dhanka bariga Ukraine iyadoo ay soo baxayso warar sheegaya inuu damacsan yahay in uu kala gooyo Ukraine.

Ciidamadada Ruushka ee aadka u tababaran ayaa cuddooda oo dhan waxay iminka isku gaynayaan dhanka gobolka Donbas oo ay ka dagaalamayaan askarta ugu tababarka iyo tayada wanaagsan Ukraine kuwaasoo halkaasi sanooyin badan kula dagaalamayay falaagada gooni goosadka ah ee Ruushku taageero.

Qorshaha Ruushka ayaa ah in uu qabsado bariga Ukraine gaar ahaan Donbas ka dibna uu isku furo Donbas iyo Crimea, inta aanay najixin wadahadallada haatan ka socda Turkiga.

Sidoo kale, Magaalada Mariupol ee dekada leh ayaa dagaal culus ka socdaa afar toddobaad, ciidamada Ruushka ayaa ku sugan daafaha magaalada waxaa jilibka u aasay Ukrainiyiinta waxaase ay u muuqdaan in ay tabar dhigayaan maadaama aanay helin gurmad iyo sahay dagaal.

Ruushka waxay u badan tahay inuu qabsado Mariupol saacadaha soo socda haddii ay dhacdo taasi waxay noqonaysaa magaaladii labaad ee wayn ee qabsadan dagaalka socda shanta toddobaad.

Ad
Previous articleKhilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Cali Ciid iyo QoorQoor Muxuu Salka Ku hayaa?
Next articleGudoomiye Cabdullahi Xasan Gaduudow oo Qarax Culus Ka Badbaaday iyo Wiilkiisa….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here