Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Duqayn Diyaaradeed oo Galabtay Ku dhacday Duleedka Deegaanka Cadakibir

Wararkii ugu Danbeeyey Duqayn Diyaaradeed oo Galabtay Ku dhacday Duleedka Deegaanka Cadakibir

0

Duqayn ay Fuliyeen Diyaaradaha Tagaaero Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa Galabtay Casirkii kadib Ka Dhacday Deegaan 20 KM u jira Deegaanka Cadakibir ee Gobalka Galgaduud.

Deegaannada Miliqo oo ku yaala soodinta Gobalada Mudug iyo Galgaduud iyo deegaanka Baalal dheer oo ku yaala Gobalka Galgaduud una dhow9 Cadakibir ayaa lagu Duqeeyey Alshabaab isku Aruursanaayay kuwaas oo Qorshaynaayay inay Weerar ka Gaystaan Koonfurta Gobalka Mudug oo Dhawaan Dagaal looga Soo Saaray.

Dowlada Soomaaliya ayaana Goordhow Soo Saartay Warsaxafadeed Sodaan u Qornaa:

Inta la ogyahay 27 ka mid ah Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay ka sameeyeen deegaannada Miliqo oo ku yaala soodinta Gobalada Mudug iyo Galgaduud iyo deegaanka Baalal dheer oo ku yaala Gobalka Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu beedsaday Saddex xarun oo khawaarijta ay ku lahaayeen deegaannadaan waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay khawaarijtu lahaayeen.

Firxadka Khawaarijta Baxsadka ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Xiindheere.

Ad
Previous articleHorjooge Isaaq Cabdullaahi Afey iyo Xubno Qoyskiisa ah oo Duqayn lagu Dilay
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Safar Qarsoodi ah uga Baxay Dhuusamareeb Dibadana Aaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here