Home Wararka Maanta Horjooge Isaaq Cabdullaahi Afey iyo Xubno Qoyskiisa ah oo Duqayn lagu Dilay

Horjooge Isaaq Cabdullaahi Afey iyo Xubno Qoyskiisa ah oo Duqayn lagu Dilay

0

Howlgal lagu dilay horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta maleeshiyaadka ka dagaalama gobolka Bakool, kaas oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cabdullaahi Afey iyo dhammaan ilaaladiisii ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos taga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sarkaalkaas iyo ugu yaraan 10 maleeshiyo ah oo uu watay lagu diley duqeyn diyaaradeed oo saakay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Buurcoday oo hoos taga Waajid.

Sida ay ogaaray Mudug24 ninka la beegsaday oo wata kolonyo gaadiid ah ayaa ka yimid dhinaca magaalada Tiyeeglow, markii laga soo tago ilaaladiisa, waxaa la socday xubno qoyskiisa ah oo lala duqeeyey.

Isxaaq Afey ayaa la-taliyihii dhinaca dacwada u soo noqday hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Godane, wuxuuna muddo kooxda u soo qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay qoranayaan.

Dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu Shabaab dhexooda ka ahaa xubin firfircoon, lug ayaa kaga go’day dagaaladii uu u galay kooxda oo hal lug ayuu lahaa waayihii dambe.

Madaxda ugu sareysa kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ka quusatay inay isaga safraan deegaanada ay ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama si joogto ay u ugaarsanayaan diyaaradaha dagaalka.

Sidoo kale maleeshiyaadka kooxda ayaa la dheelmaa xiliyada habeenkii ah, ma isticmaalaan wax gaadiid ah, waxayna duqeymuhu noqdeen kuwo si weyn u cuuryaamiyey howgalada iyo dhagaraha ay maleegto kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle, hadana waxaa si joogto ah kooxda loogu baacsadaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, maalin kasta ciidamada qaranka ayaa soo bandhiga meydadka dagaalyahano laga laayey kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleIMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Duqayn Diyaaradeed oo Galabtay Ku dhacday Duleedka Deegaanka Cadakibir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here