Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma.

Duqeynta oo bilaabatay fiidkii hore ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayee xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada laga dareemay duqeynta oo ahayd mid xoogan oo bartilmaameed ah.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo holac iyo uuro is qabsatay hawada sare, kadib weerarka cirka ah oo ay diyaaraduhu la beegsadee \n argagixsada ku suan Daarunimca oo maalmo kahor la wareegay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalamayaal badan iyo horjoogayaal ku sugnaa halkaasi, balse ma cadda tirada rasmiga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid cakiran iyada oo la dareemayo saameynta duqeyntaas.

Waxaa sidoo kale duqeymo kuwaan lamid ah ay xalay ka dhaceen aagga degmada Ceelbaraf oo ay dib u gurasho uga soo baxeen ciidamadii shalay gudaha u galay degmadaasi, waxaana halkaasi lasoo wariyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan guluf dagaal ka wadda deegaannada HirShabelle, iyada oo kaashaneyso dadka deegaanka, si looga hortego abaabulka kooxda Shabaab.

Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleMuxuu yahay Qorshaha Raysulwaasare xamse uu xalay utagay dalka masar?
Next articleQaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay