Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii Shalay lagalay Dagaalkii...

Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii Shalay lagalay Dagaalkii Cuslaaa Macawislayda Hiiraan

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo mar kale xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Weerarkan dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay in u dhexeysa deegaannada Jicibow iyo Beerayabaal, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ay daba socotay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay gobolka, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraajiisha ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta kuwa kale la dhaawacay, balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo ah halka ay isku hayaan labada dhinac.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa mar kale dib uga curtay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro gobolkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleShacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland
Next articleSuuqa Bakaaraha oo Saakay Gabi ahaanba xiran iyo Sababta oo la shaaciyay