Home Wararka Maanta Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta...

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland

0

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, kaas oo haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi.

Shacabka oo ka duulayo ilaalinta nabad-gelyada deegaanka ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo boggaadiyay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin waxlo ku siday bac madow oo lagu arkay magaaladaasi.

Ninka oo ay gacanta ku dhigeen dadka deegaanka ayaa waxaa markii dambe lagu wareejiyay laamaha amniga, si loogu sameeyo baaris waxaana la ogaaday inuu waday qashin.

Qoraal kooban oo kasoo baxa Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana aad loogu boggaadiyay shacabka Boosaaso, iyada oo looga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso inay soo jeedaan shacabka Puntland, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxaha argagixisada ah.

“Shacab ayaa la dagaalay Nin qashin waday, oo ay uga shakiyeen amni daro, Laamaha Amniga oo goobta yimi ayaa hubiyey in qashin bacda ku jiro- kadib ayaa dadkii sii daayeen ninkii. DADKEENU WAA SOO JEEDAA” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii dadka deegaanka ay soo sheegeen nin ajnabi ahaa oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, kaas oo ay toogasho ku dileen ciidanka Puntland.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleDagaal Qaatay Inkabadan Lix Saac oo Alshabaab nool lagu Soo Qabtay oo Maantay dhacay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii Shalay lagalay Dagaalkii Cuslaaa Macawislayda Hiiraan