Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Maxamed Adeeroow

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Maxamed Adeeroow

0

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu kulahaa  magaalada Cape Town.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee sida weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqiinay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu qorsheynayay inuu dhowaan kusoo laabto dalkiisa hooyo, balse ay kasoo hormartay geeridiisa, kadib dilka loo gaystay.

Kooxda burcadda ah ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Maxamed Adeeroow, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

Ad
Previous article30 Sano Kadib oo Muqdisho laga Furay Geerash lagu Dayactiro Diyaaradaha
Next articleShirqoolka gabdhaha loo shukaansi doonto “ayagoo afar hablood ah ayey qolka i gashteen wayna i garaaceen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here