Home Wararka Maanta Shirqoolka gabdhaha loo shukaansi doonto “ayagoo afar hablood ah ayey qolka i...

Shirqoolka gabdhaha loo shukaansi doonto “ayagoo afar hablood ah ayey qolka i gashteen wayna i garaaceen”

0

Ciidamada Booliska Somaliland ee Saldhiga Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa ayaa qoraal ay soo dhigeen boggooda Facebook ku Sheegay in gacanta ku soo dhigeen Hoodo Cabdi Cali oo ku eedeysan in xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Caydaruus Cali.

“Ciidamada Booliska JSL ee Saldhiga Sheekh Nuur ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysanta Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir oo ku eedaysan inay 26kii bishan, xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibbane Caydaruus Cali, waxaanna falkaasi ku wehelinayay Saddex dumar oo kale oo Ciidanku ku raad-joogo,” ayay qoraalkooda ku yiraahdeen.

Sidee ayay dhacdada u dhacday?

Waxay ka dhacday magaalada Hargeysa ka dib markii wiil ay garaaceen si xunna u jirdileen gabdho guri ku ballamiyay.

Booliska ayaa qoraalkooda ku sheegay in gabdhaha ay dhibane Caydaruus guri ku ballamiyeen, ka dibna nabaro u gaysteen , muuqaalna ka duubeen ayna baraha bulshada ku faafiyeen.

Gabadhaha ninkaas garaacay ayaa la sheegay inay ka qaadeen Mobilkiisa ayagoo sidoo kalena xoog kaga dirsan rabay lacagtii mobilka ugu Jirtay.

“Lambarka sirta ah ee teleefoonka waan u sheegay oo waxay doonayeen inay ka dirsadaan balse buuqii iyo dagaalkii ay ku jireen baa ilwosiiyay oo wax lacag ah igama dirsan,” ayuu yiri Caydaruus oo ka sheekeynaya dhacdadii qabsatay iyo shirqoolkii ay u dhigtay gabadhii uu jeclaa ee uu haasaawaha ka dhaxeeyay.

Waxaa la sheegay inay ka saareen surwaalkii , shaarkii, kabihii iyo jaakadii uu xirnaa waxayna u saareen Banaanka isago wata Nigis ama Buume keliya, iyadoo waliba ay muqaal ka duubteen.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya caydaruus oo sharraxaya dhacdada isagoo yiri: “Afar Hablood iyagoo ah ayey qolka i gashteen waxay ku dhawaqayeen ‘dabsaara’, dharka ayey iga siibeen aniga oo dhan Jihada ayey iga dhumiyeen siday dhagax iyo bud igu wadeen waxayna ii gaysteen Jirdil.”

“Hablaha guriga waa lagula sheekeystaa laakiin marka ay sidaan oo kale kugu dhacdo waa naxdin aad u weyn waxaa kaaga daran oo u sii dheer moobil la duubayo iyo waxyaabo aanu garanayn, waxaan ma ahan dhaqan Islaam iyo mid kale toona, waxa sidaan sameeyay Alle ayaa soo qaban doona,” ayuu sidoo kale yiri Caydaruus.

“Waxa aan u dagaalami waayey wanaagii Inanta na dhex-maray ayaan ka samri waayey iyo Hadalkeedi Hore, waan u qaadan waayey nabadarada igu socda markii la i garaacayey, wanaag ayaa naga dhaxeeyay,” Caydaruus oo u qaadan waayay in gabadhii uu shukaansanayay ay sidaas u gasho ayaa sidaasi yiri.

Caydaruus ayaa ragga kale ee haasawaha u aada guryaha ay joogaan gabadhaha ay shukaansanayaan inay marka hore iska hubiyaan.

“Waxaan leeyahay iga dambeeyoow iska ilaali in laguugu ballamiyo guri aadan lahayn oo aad iska gasho.”

Maxay booliska ka yirahdeen Saddex-dii gabdhood ee kale falka geystay

“Hawlgallo iyo baarid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu ku soo qabtay hal eedaysane , halka Saddexda kale Ciidanku ku raad-joogo. waxaanu dhammaantood degdeg u horgeyn doonaa sharciga,” ayay ku yirahdeen qoraalka ay bartooda Facebook soo dhigeen.

“Taliska Ciidanka Boolisku, wax uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsan,” ayay sidoo kale Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska Somaliland yiraahdeen.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada iyo magaalooyinka Soomaalida ku soo badanayay gabdhaha ragga ku ballaminaya guryaha ee haddana u soo kaxeysanaya koox dumar kadibna garaacaya, muuqaalna ka duubaya.

Waxaa jirtay dhowr dhacdo oo horay uga dhacday magaalooyin ay ka mid tahay Kismaayo iyadoo la arkayay haween garaacaya wiilal ay guriga ku ballamiyeen.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Maxamed Adeeroow
Next articleXaruntii Kaydka Hubka AlShabaab ee Galmudug oo La Burburiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here