Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu kulahaa magaalada Cape Town.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqiinay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu qorsheynayay inuu dhowaan kusoo laabto dalkiisa hooyo, balse ay kasoo hormartay geeridiisa, kadib dilka loo gaystay.
Kooxda burcadda ah ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Maxamed Adeeroow, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta.
Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.
Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.
Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.