Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Gudoomiye Cabdullahi Yarisoow

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Gudoomiye Cabdullahi Yarisoow

0

Kooxo biskoolado ku hubeysan oon heybtooda la garan ayaa goordhaw xaafada Soonakey ee degmada Hodan, waxa ay ku dileen guddoomiyihii waaxda Daadsaney ee degmada Dayniile Cabdullaahi Yariisow.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiyaha ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada cishaha oo gurigiisa meel ku dhaw ku yaallay, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday ragii hubeysaa.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen meydka guddoomiyaha la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada bilaabeen baaritaano ay ku raadinayaan dadkii dilka geestay.

Guddoomiyahan caawa la dilay ayaa noqonaya kii saddexaad oo oo la dilo isaga oo ah guddoomiyaha waaxda  Daadsaney, waxaana guddoomiyihii ugu dambeeyay ee waaxdaasi oo la dilo uu ahaa Cabdi Juge Cabdulle Cismaan oo la dilay labo sanno kahor.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Macalin Shariif Maxamed oo Muqdisho lagu dilay
Next articleWar DEG DEG AH:Dagaal Culus oo u dhaxeeya laba Ciidan oo Ka Wada Tirsa Dowlada Soomaaliya oo Kasocda Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here