Kooxo biskoolado ku hubeysan oon heybtooda la garan ayaa goordhaw xaafada Soonakey ee degmada Hodan, waxa ay ku dileen guddoomiyihii waaxda Daadsaney ee degmada Dayniile Cabdullaahi Yariisow.
Sida aan wararka ku helnay guddoomiyaha ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada cishaha oo gurigiisa meel ku dhaw ku yaallay, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday ragii hubeysaa.
Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen meydka guddoomiyaha la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada bilaabeen baaritaano ay ku raadinayaan dadkii dilka geestay.
Guddoomiyahan caawa la dilay ayaa noqonaya kii saddexaad oo oo la dilo isaga oo ah guddoomiyaha waaxda Daadsaney, waxaana guddoomiyihii ugu dambeeyay ee waaxdaasi oo la dilo uu ahaa Cabdi Juge Cabdulle Cismaan oo la dilay labo sanno kahor.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka