Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Abuukar Jawiin Caddow

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Abuukar Jawiin Caddow

0

Qarax miino ayaa saaka ka dhacay degaanka Daaru-Nimca oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Sh/dhexe

Waxaa lala eegtay qaraxaas gaari uu la socday Xoghayihii degmadaasi Abuukar Jawiin Caddow oo u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray.

Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood Macallin Muxyiddiin Max’uud Kulmiye ayaa xaqiijiyey geerida Abuukar Jawiin Caddow.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku geeriyooday darawalka gudoomiyaha.

“Habeen hore markii ay degaanka Daaru Nicma soo weerareen ayey jidadka degaanka geliyeen miinooyin, qaraxaana halkaas ayuu ka yimid” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood Macallin Muxyiddiin Max’uud Kulmiye.

Dhinaca kale, waxaa uu xusay in 30 qof oo dhowaan Al-shabaab ay ka afuubteen degaanka Daaru nicma la soo furtay ka dib howlgal ay sameeyeen dadka degaanka iyo ciidamada DF oo wada jira, isagoo xusay in haatan ay dadkaasi ku sugan yihiin degaanka iyagoo bad qaba

Ad
Previous articleCiidamada Gaarka ah ee Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay Degmada Afgooye
Next articleMidowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here