Home Wararka Maanta Ciidamada Gaarka ah ee Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay Degmada Afgooye

Ciidamada Gaarka ah ee Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay Degmada Afgooye

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Booliska gaarka ah Haramcad ay ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Haramcad ayaa isku fidiyay duleedka magaalada, waxayna gaareen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

“Ciidamadda Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Deegaanada ku teedsan Degmada Afgooye ka wada howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay dadka shacabka ah lacago uga qaadi jireen xubnaha Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa howlgalkan ku burburiyay Isbaarooyin ay Khawaarijta u dhigteen Shacabka oo lacago baad ah ay ku qaadi jireen” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Howlgallada ayaa weli sii socda, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada hoos yimaada magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa deegaanadaas weeraro kasoo qaada, sidoo kalena ku diyaariyo qaraxyada lasoo geliyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kascsan, ayada oo abaabul xoogan laga dareemayo duleedka Afgooye oo ay inta badan ay soo gaaraan xubnaha kooxda Al-Shabaab

Ad
Previous articleSida haweeneydan u afduubtay nin ay jeclayd oo gabar kale guursan rabay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Abuukar Jawiin Caddow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here