Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo...

Wararkii ugu Danbeeyey Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo korortay(Sawiro)

0

Shacabka ku nool Morocco qaarkood ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah seexday waddooyinka magaalada Marrakech iyadoo askarta iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah oo wata gawaarida waaweyn iyo dayuuradaha qumaatiga u kaca ay bilaabeen inay ku sii qulqulaan magaalooyinka buuraha fogfog ee uu sida daran u saameeyay dhulgariirkii taariikhiga ahaa ee ku dhuftay.

Masiibadan ayaa dishay in ka badan 2,100 qof – iyadoo tirada dhimashada la filayo inay kor u kacdo – Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 300,000 oo qof ay saameeyeen dhulgariirkaas oo cabirkiisu ahaa 6.8 habeenkii Jimcaha.

Iyadoo ay jiraan dalabyo ka imaanaya dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Faransiiska, mas’uuliyiinta Morocco ayaa Axaddii sheegay inay aqbaleen gargaarka caalamiga ah afar waddan oo keliya: Spain, Qatar, Britain iyo Imaaraadka Carabta.

“Mas’uuliyiinta Morocco waxay si taxadar leh u qiimeeyeen baahiyaha goobta, iyaga oo maskaxda ku haya in isku-dubbarid la’aanta kiisaskan oo kale ay noqon doonto mid aan faa’iido lahayn,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waan ognahay inay jirto degdeg weyn oo lagu badbaadinayo dadka oo lagu hoos qodo haraaga dhismayaasha,” ayuu yiri Arnaud Fraisse, oo ah aasaasaha Samatabbixiyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn, oo lahaa koox ku xayiran Paris “Waxaa jira dad ku hoos dhimanaya burburka, mana sameyn karno wax aan ku badbaadino.”ayuu intaas ku daray

“Waa masiibo,” ayuu yiri Salah Ancheu, oo 28 jir ah, “Ma garanayno waxa mustaqbalku yahay. Gargaarka ayaa weli ah mid aan ku filneyn.”ayuu intaas ku daray.

Dadka deegaanka ayaa burburiyay wadada dheer ee magaalada soo gasha, waxaana dadka ay ku farxeen markii ay soo gaareen gawaari ay ka buuxaan ciidamo. Laakiin waxay codsadeen in la caawiyo.

“Ma jiraan ambalaasyo, ma jiraan booliis, ugu yaraan hadda,” ayuu yiri Ancheu, isaga oo ka hadlayay qaybo badan oo ka mid ah gobolka subaxnimadii Axadda.

Meelahaas waxaa ruxay Axadii dhulgariir kale oo ka yar kii Jimcihii kaasoo cabirkiisu ahaa 3.9, sida ay sheegtay heyadda Sahanka Juquraafiga ee Maraykanka. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga in uu khasaare intaas ka badan geystay iyo in kale, balse waxa ay u badan tahay inuu burbur ku keenay dhismayaal aan la degganayn oo dadka deegaankuna ay ka baqeen dhulgariir hore ka dib.

Wadarta 2,122 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ugu yaraan 2,421 kalena waa ay ku dhaawacmeen – 1,404 ka mid ah ayaa aad u liita, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.  Inta badan dadka dhintay – 1,351 – waxay ku sugnaayeen degmada Al Haouz ee Buuraha Atlas ee Sare, ayay tiri wasaaraddu.

Calanka Morocco ayaa hoos loo dhigay, iyadoo Boqor Maxamed VI uu amray saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo bilaabanaysa Axadda. Ciidanku waxa ay abaabuleen kooxo baadigoob iyo samatabbixin isugu jira, boqorkuna waxa uu amray in biyo, raashiin iyo hoy la gaadhsiiyo dadka guryahoodii waayay.

In kasta oo ay markii ugu horreysay sheegtay Axaddii in ay aqbali doonto gargaarka afar waddan, haddana Marooko ma aysan samayn codsi caalami ah oo gargaar ah sida Turkiga oo kale saacado ka dib dhulgariir weyn oo dhacay horaantii sanadkan, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka.

Deeqaha gargaarka ayaa laga soo shubay adduunka oo dhan, waxayna Q.Midoobe sheegtay inay ku leedahay Morocco koox isku dubaridi doonta taageerada caalamiga ah. Ilaa 100 kooxood oo ka kooban wadar ahaan 3,500 samatabbixiye ayaa ka diiwaan gashan xarunta Qaramada Midoobay oo diyaar u ah in la geeyo Morocco.

Mas’uuliyiinta Czech Republic ayaa goor sii horreysay sheegay in waddanku uu dirayo ilaa 70 xubnood oo ka tirsan koox samatabbixin ah oo loo tababaray inay ka baaraan burburka ka dib markii ay codsi rasmi ah ka heleen dowladda Morocco. Wasiirka difaaca Czech Jana Cernochova ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo militari ah la diyaariyay si ay kooxda u daabulaan.

Faransiiska, oo xiriir badan la leh Morocco oo sheegay in afar ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen dhulgariirka,

Xuddunta dhulgariirkii Jimcihii ayaa ku dhowaa magaalada Ighil ee gobolka Al Haouz, oo qiyaastii 70 kiiloomitir (44 mayl) koonfur kaga beegan magaalada Marrakech. Gobolku wuxuu caan ku yahay tuulooyinka iyo dooxooyinka quruxda badan ee ku yaal Buuraha Atlas ee Sare.

Burbur ayaa qabsaday magaalo kasta oo ku teedsan jaranjarada sare ee buuraha Atlas iyadoo jidadkii ciriiriga ahaa  ee halkaas ku yaallay ay badankood xirmeen markii ay ku soo daateen burburka dhismayaasha qadiimka ah ee hareerahooda ku yaallay.

“Waan hurday markii dhulgariirku dhacay. Ma baxsan karin sababtoo ah saqafka ayaa igu soo dhacay. Waan ku xayirmay Waxaa i badbaadiyay dariskeyga” ayay tiri Fatna Bechar oo ku sugan degaanka Moulay Brahim.

Samatabbixiyeyaasha oo ay taageerayaan askar iyo booliis ayaa baaray guryaha dumay oo ku yaalla magaalada fog ee Adassil, oo u dhow xudunta dhulgarirka, Gaadiidka ciidamada ayaa keenay cagaf-cagafyo iyo qalab kale oo lagu nadiifinayo waddooyinka,. Ambalaasta ayaa tobanaan dhaawac ah ka qaaday tuulada Tikht, oo ay ku nool yihiin 800 oo qof, waxayna geeyeen Isbitaalka Jaamacadda Mohammed VI ee Marrakech.

Dalxiisayaal iyo dadka deegaanka ayaa saf u galay inay dhiig bixiyaan.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisa horudhaca ahaa 6.8 markii uu dhacay 11:11 p.m., wuxuuna socday dhowr ilbiriqsi,. Isku dhaca taarikada tectonic ee Afrika iyo Eurasian ayaa ka dhacay meel qoto dheer, taas oo ka dhigaysa dhulgariir aad u khatar badan.

Wuxuu ahaa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhufto wadanka Waqooyiga Afrika in ka badan 120 sano, marka loo eego diiwaanada soo taxnaa illaa sanadkii 1900, laakiin ma ahayn kii ugu dhimashada badnaa. Sannadkii 1960-kii, dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.8 ayaa ku dhuftay meel u dhow magaalada Agadir, halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan 12,000 oo qof, Dhulgariirkaasi waxa uu ku kalifay Morocco in ay badasho shuruucda dhismaha, balse dhismayaal badan, gaar ahaan guryaha miyiga ah, looma dhisin inay u adkaystaan gariiradaas.

Sannadkii 2004-tii, dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.4 ayaa ku dhuftay meel u dhow magaalo-xeebeedda Mediterranean-ka ee Al Hoceima waxaana ku dhintay in ka badan 600 oo qof.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ad
Previous articleDhalinyarada hubeysan ee jabhadda uga dhawaaqday buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil oo ku gacan seeray go’aankii Somaliland
Next articleGudoomiye Madaale oo kormeeray Goobaha laga Sugo Amaanka Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here