Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo kormeeray Goobaha laga Sugo Amaanka Muqdisho(Sawiro)

Gudoomiye Madaale oo kormeeray Goobaha laga Sugo Amaanka Muqdisho(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay howla kormeer ah oo ay ugu kuur galayeen sugida Amniga Caasimadda ku tagay  baraha Kontrol ee ku yaala degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kormeerkaas ku wehliyey guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Madaale ayaa mid mid u booqday baraha kontrol ama checkpoints-ka laga soo galo dhinaca Bari isaga oo warbixina Amniga quseeya ka dhageestay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday.

Waxaa uu ku dhiiragliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga dhagarta cadowga.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo korortay(Sawiro)
Next articleCumar Maxamed Ismaaciil oo katirsanaa Alshabaab kana Howlgalay Gaalkacyo oo Arimo layaab leh soo Bandhigay Xili Gacanta lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here