Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Danaha Turkiga ugu jira heshiiska difaaca ee Soomaaliya

Wararkii ugu Danbeeyey Danaha Turkiga ugu jira heshiiska difaaca ee Soomaaliya

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan dhinacyada difaaca iyo dhaqaala, kaas oo hadda laga helayo xog cusub oo ku saabsan danaha ugu jira Turkiga.

Dadka Soomaaliyeed waxay ogaayeen in Soomaaliya ay xiisad culus kala dhaxeyso Itoobiya oo cadeysatay damac waalan oo badda Soomaaliya ay ku dooneyso, balse waxaa la ogaaday dan kale oo Turkiga ugu jirta heshiiskaas.

Muddooyinkii dambe waxaa soo kordhay weerarro ay badda Cas ka geystaan Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, kuwaas oo carqaladeeyey marinka muhiimka ah ee Baabul-mandab, Turkiga oo taas ka duulaya ayaa dedejiyey heshiiskaan.

Saraakiil Turki ah ayaa warbaahinta caalamka u dusiyey xogtaan sheegaysa in Turkiga ay ka go’antahay inuu farogeliyo xiisadda marinka badda Cas, isla markaana uu joojiyo weerarrada ganacsiga caalamka dhan saameeyey ee Xuutiyiiinyu u geysato Maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Muddo lagu qiyaasay 10 cisho ayaa lagu diyaariyey heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana dhawaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo aan akhrin, waxaana la is weydiinayey hadii Soomaaliya laga difaacayo cadow dibadda ah danta ay Turkidu ku qabto heshiiskaas.

Sida aan ogaanay, heshiiskaas markii hore waxaa dalbatay dowladda Soomaaliya bishii Janaayo, muddo kooban ayuu ku soo jawaabay Turkiga oo markii horaba naawilayey inuu farogeliyo xiisadaha gobolka iyo marin biyoodka badda Cas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegay in wasiirradiisa gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda uu amray in heshiiskaas ay si dhakhsi ah u diyaariyaan, iyagoo kaashanaya masuuliyiinta Soomaaliya oo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu ugu horeeyo.

Sida la ogyahay Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Itoobiya, si lamid ah Soomaaliya, balse waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya uu ka dhex arkay dano ka badan kuwa uu ku heysto Itoobiya, wax walbana waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyey oo Soomaaliya markii horaba waxay aad u rabtay garab ka difaaci kara damaca Itoobiya.

“Ciidamada Turkiga waxay isku dayi doonaan in ay gacanta ku dhigaan guud ahaan Gacanka, iyagoo gobolka farogelin rasmi ah ku samaynaya, taas oo ay ka dhallan karto xuduudo qariiradeed oo isbeddela, maan-galnimada arrintana meesha kama maqna,” ayay saraakiil amni oo Turki ah u sheegeen Telefushinka AlJazeera.

Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha inta laga ogyahay waxuu dhigayaa in 10 sano baddaha Soomaaliya ay ilaalin doonaan ciidamada Turkiga, wuxuu kale oo heshiiskaas uu dhigayaa in labada dal ay ka faa’iidaystaan kheyraadka badda, qorsheynta iyo hirgelinta hawlgalada cirka, dhulka, iyo badda.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas ku jira ‘dhismaha maraakiibkta, hawgelinta dekadaha, samaynta habraacyada sharci ee lagama maarmaanka u ah arrimahaan, midaynta sharciyada socdaalka badda ee labada dal, qaadida tallaabooyin hal dhinac ah iyo kuwo wadajir ah, si loola dagaalamo dhammaan noocyada khatarta ka jira badda Soomaaliya.

Ad
Previous articleDhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday Magaalada Muqdisho kadib Dil argagax leh oo loo Gaystay
Next articleDagaalyahanada Xisbullah oo 60 gantaal ku garaacay gudaha Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here