Home Wararka Maanta Dagaalyahanada Xisbullah oo 60 gantaal ku garaacay gudaha Israel

Dagaalyahanada Xisbullah oo 60 gantaal ku garaacay gudaha Israel

0

Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda cirka ay  duqeeyeen bartilmaameedyada kooxda Hezbollah oo ku yaalla gudaha Lubnaan,” iyadoo saraakiisha Lubnaan ay sheegeen in bartilmaameedyada la garaacay ay ku yaallaan meel u dhow magaalada Baalbek ee waqooyi-bari.

Ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsan Xisbullah ayaa lagu dilay duqaymaha, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxdaas.

Duqeymahan ayaa ka mid ah kuwii ugu qoto dheeraa ee ka dhaca Lubnaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Xamaas in ka badan afar bilood ka hor. Waxay ku soo beegmayaan maalin uun ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant uu wacad ku maray in ay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Xisbullah xitaa haddii xabbad joojin lala gaaro Xamaas ee Marinka Gaza.

Weeraradan oo dhacay wax yar uun ka dib markii Xisbullah ay sheegtay in difaacooda cirka ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israel, ayaa laga yaabaa inay sii kordhiso xiisadda ka taagan xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil, xilli uu socdo wadahadallo xabbad joojin ah oo laga fulinayo Qaza.

Gelinkii dambe ee maanta, Xisbullah waxa ay sheegtay in ay uga aargudatay duqaymaha dhanka cirka ah ee ka dhacay meel u dhow Baalbek iyagoo 60 gantaal oo Katyusha ah ku riday taliska qaybta ciidanka Israa’iil ee ku sugan buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato ee Suuriya. Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in tobaneeyo gantaal laga soo riday Lubnaan kuna soo jeeday Israel galabnimadii maanta

Saraakiisha ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in ciidamada cirka ee Israa’iil ay saddex weerar oo cirka ah ka fuliyeen duleedka tuulada Buday, oo u dhow Baalbek, iyagoo beegsaday kolonyo baabuur ah. Buday waa xarun ay ku xooggan yihiin Xisbullah.

Sarkaal ka tirsan Xisbullah ayaa xaqiijiyay in saddex weerar ay ka dhaceen meel u dhow Baalbek. Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, iyadoo aan loo ogolayn inuu la hadlo warfidiyeenka. Waxa uu sheegay in duqaymahaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba xubnood oo kooxda ka tirsan iyo in mid ka mid ah uu ku dhacay bakhaar lagu kaydiyo badeecooyin cunto oo qayb ka ah mashruuca Sajjad ee Xisbullah oo dadka ay kaga iibiso qiimo ka hooseeya kan suuqa.

Ururka Xisbullah ayaa markii dambe soo bandhigay magacyada iyo sawir qaadayaasha labo ka mid ah dagaalyahanadooda iyadoo aan la sheegin halka lagu dilay. Dhimashadii ugu dambeysay ayaa kor u dhaafeysa ku dhawaad 210 ka mid ah dagaalyahanada Xisbullah ee la dilay tan iyo markii rasaasta la is weydaarsanayay xadka ay bilaabatay 8-dii Octoobar

Duqeymaha cirka ah ee ka dhacay meel u dhow Baalbek ayaa dhacay wax ka yar laba saacadood ka dib markii Xisbullah ay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israel Elbit Hermes 450, taasoo dul heehaabeysay gobolka ay ku xooggan tahay ee koonfurta Lubnaan. Gantaal kale oo ay Hezbollah ku gantay diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa qabatay Israa’iil, wuxuuna ku dhacay meel u dhow macbad ku yaalla magaalo ku dhow magaalada Nazareth ee waqooyiga Israa’iil. Ma jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee maanta ku sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goobo ay isticmaalaan Xisbullah oo ku yaalla bariga dooxada Bekaa. Waxa ay sheegtay in ay uga aargudanayeen gantaalkii ay Xisbullah ku soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.

Hezbollah oo xulafo la ah Xamaas ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarrada maalinlaha ah ee ay ku qaadayso Israa’iil haddii xabbad joojin laga gaaro Gaza.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Danaha Turkiga ugu jira heshiiska difaaca ee Soomaaliya
Next articleFaahfaahin dheeraad ah oo laga helay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo danta ay Ankara ka leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here