Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Qod Qod iyo Gaadiid...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Qod Qod iyo Gaadiid Dagaal oo lagubay

0

Ciidamada beesha Saleeban oo galabta dagaal culus la galay kooxda Alshabaab  oo Weerar kuso Qaaday Deegaanka QodQod oo Ku dhow Degaanka Camaara.

Ciidamada Dowlada ayaa Maantay Gaaray Deegaankaan oo Horay Alshabaab u joogeen Alshabaab ayaana Isaga baxay Maantay Duhurkii kadib Markii ay ka War Heleen ciidamada kusoo wajahanaa.

Alshabaab ayaana Galabtay Dagaal culus oo Rogaal Celin ah kusoo Qaaday  Casir.liqii Galabtay Alshabaab ayaa Watay Gadiid Dagaal oo Farabadan ayaana Weerar Dhowr jiho ah kusoo Qaaday Deegaanka Qod Qod.

Dagaalka oo Socday ku Dhawaad labasacaadod ayaa waxaa kusoo biiray Diyaaradaha Dagaalka Taas oo Sahashay in Alshabaab Duraba lajabiyo

Sidoo kale Ciidamada kusugnaa Deegaanka La Weeraray Ayaa u badnaa Ciidmadii Ahlusuna ee Alshabaab Horay ugu jabiyay Degmada Baxdo.

Alshabaab ayaana La xaqiijiyay inay ka carareen Maydad aan Tiradooda La Cayimin Sidoo kale Laba Gaari ayaa La Xaqiijiyay in Dagaalka Looga Qabsday Alshabab sidoo kale Diyaaradaha Dagaalka ayaa Dhowr Gaari ka Burburiyay Alshabaab.

Alshabaab ayaaba Dib ugu laabtay Degaanka Camaara oo markii Hore kasoo Ruqaabsadeen Lama oga Khasaaraha Soo Gaaray Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Dowlada.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaanka QodQod oo Ciidamada Dowladu ku Sugnaayeen
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal culus oo ka socda Gobolka Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here