Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Sudan iyo Khasaaro Ba,an oo Ka Dhashay

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Sudan iyo Khasaaro Ba,an oo Ka Dhashay

0

Iyadoo qaraxyo iyo rasaas xoogan ay ka dhacayaan maalintii 3aad magaalada Khartuum iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Sudan ayaa waaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.

In ka badan 180 qof ayaa la xaqiijiyey ku dhinteen in ka badan 1,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku qarxay, sida uu sheegay ergayga Qaramada Midoobay Volker Perthes.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya Taangiyo, Madaafiic iyo hub kale oo culus, waxaana ay isku adeegsanayaan goobo ay dadku ku badan yihiin. Diyaarado dagaal ayaa dul heehaabayay, waxaana rasaasta lidka diyaaradaha shiday hawada sare markii uu mugdi soo galay.

Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara sababtoo ah waxaa jira meydad badan oo yaalla waddooyinka ku teedsan bartamaha Khartoum oo aysan cidina gaari karin isku dhacyada awgeed. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Ururka dhakhaatiirta ayaa hore u sheegay tirada dhimashada rayidka ah 97.

Dagaalkii lama filaanka ah ee ka dhex qarxay labada Jeneraal ee ugu sarreeya qaranka, mid walbana ay taageerayaan tobanaan kun oo dagaalyahanno ah, ayaa malaayiin qof ku xannibay guryahooda ama meel kasta oo ay gabaad ka heli karaan, iyadoo sahaydu ay ku yar tahay meelo badan.

Diblamaasiyiintii ugu sarraysay afarta qaaradood ayaa u tafa xaytay sidii ay heshiis xabad joojin ah u dhex dhigi lahaayeen, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado inuu ka hadlo xiisadda.

“Rasaas iyo duqeymo ayaa meel walba ka jira,”ayey tiri Awadeya Mahmoud Koko, oo ah madaxa urur ay ku mideysan yihiin kumanaan shaaha iibiya iyo shaqaale kale oo cunto ah

Waxay sheegtay in madfac ku dhacay guri deris ah Axaddii, uuna dilay ugu yaraan saddex qof. “Ma aan geyn karno isbitaal ama ma aasi karin.”

Bartamaha Khartoum, rasaas joogta ah ayaa ka dhacday, qiiq cad ayaana ka kacay agagaarka xarunta ugu weyn ee militariga, oo ah goob dagaal oo weyn. Meel u dhow, ugu yaraan 88 arday iyo shaqaale ayaa ku xayiran maktabadda kuliyada injineernimada ee Jaamacadda Khartoum tan iyo markii uu dagaalka billowday, mid ka mid ah ardayda ayaa ku sheegay muuqaal la soo galiyay online Isniintii. Hal arday ayaa ku dhintay iska hor imaad ka dhacay banaanka halka mid kalena uu ku dhaawacmay, ayuu yiri. Ma haystaan cunto iyo biyo, ayuu yidhi, isagoo tusay qol ay ka buuxaan dad dhulka jiifa.

Muuqaallada dagaalka ka dhacay caasimadda iyo magaalada ku dhow ee Omdurman ee ka tallaabta webiga Niil waxay ahaayeen kuwo aan hore loo arag. Qalalaasahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmo yar ka harsan yihiin dadka reer Suudaan si ay ugu dabaaldegaan Ciidul Fidriga oo ah maalin ciid ah oo ku beegan dhamaadka bisha Ramadaan.

Loolanka dhanka awoodda ah ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Gen. Abdel-Fattah Burhan, oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, oo ah madaxa ciidamada degdegga ah, oo ah koox dabley ah. Xulafadii hore waxay si wadajir ah u abaabuleen afgambi militari bishii Oktoobar 2021 kaasoo meesha ka saaray u guuritaanka Suudaan ee dimuqraadiyadda.

Rabshadaha ayaa hadda halis ku ah inay dalka ku ridaan colaad sokeeye oo ballaaran, si la mid ah dadka Suudaan waxay isku dayayeen inay dib u soo nooleeyaan dadaalka loogu jiro dowlad rayid ah oo dimuqraadi ah ka dib tobanaan sano oo xukun milatari ah.

Mareykanka, UN-ka iyo kuwa kale ayaa ku baaqay xabbad joojin. Masar, oo taageerta millatariga Suudaan, iyo Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta – oo xiriir dhow la sameeyay RSF sannadihii la soo dhaafay markii ay u dirtay kumanaan dagaalyahanno ah si ay u taageeraan dagaalkooda Yemen – ayaa sidoo kale ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka.

Laakin labada jeneraal ayaa ilaa hadda shuruudo ku xiray joojinta dagaalka, iyagoo mid walba uu dalbanayo kan kale in uu isa soo dhiibo oo ay meesha ka saaraan wada xaajoodka.

Dagalo, oo ciidamadiisu ay ka soo baxeen maleeshiyada Janjaweed ee caanka ka ah gobolka Darfur ee Suudaan, ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku muujiyay inuu yahay difaac dimoqraadiyad doon ah isagoo ku tilmaamay Burhaan gardaro iyo “Islaami xagjir ah.” Labada Jeneral ayaa muddo dheer lagu eedeynayey tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, waxayna caburin ku hayeen dadka u ololeeya dimuqraadiyadda.

Dagaalo culus ayaa ka dhacay qeybo badan oo kamid ah caasimadda iyo Cumdurmaan, halkaasoo labada dhinac ay keeneen tobanaan kun oo ciidan ah, kuwaasoo la dhigay xaafad walba. Ugu yaraan lix isbitaal oo ku yaalla Khartoum ayaa loo xiray burbur ka soo gaaray dagaalka.

Hadiya Siciid, oo ah haweeney guri joogto ah, ayaa sheegtay in iyada iyo saddex carruur ah oo ay dhashay ay ku hoydeen hal qol oo ku yaalla dabaqa hoose ee gurigooda cabsi ay ka qabaan duqeymaha, iyadoo rasaastu ay ka dhaceyso degmada Baxri ee waqooyiga Khartoum. Waxay haystaan cunto dhawr maalmood oo kale, laakiin “intaas ka dib ma naqaano waxaan samayno,” ayay tiri.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal xooggan oo la isku adeegsaday madaafiic iyo hub kale oo culus uu gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay xaafadda Gabra ee koonfur-galbeed ee magaalada Khartoum. Dadka ayaa ku xayiran oo ku qaylinaya gudaha guryahooda, ayay tiri Asmaa al-Toum, oo ah dhakhtar ku nool aagga.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Dalab Dhabar jab ku ah Soomaaliland Soo Saartay
Next articleAmaanka Magaalada Muqdisho oo soo Hagaagayaa iyo Madaale oo kormeer joogta ah bilaabay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here