Home Wararka Maanta Amaanka Magaalada Muqdisho oo soo Hagaagayaa iyo Madaale oo kormeer joogta ah...

Amaanka Magaalada Muqdisho oo soo Hagaagayaa iyo Madaale oo kormeer joogta ah bilaabay(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa xalay  kormeeray degmooyinka xiga qeybta Bari gaar ahaan saldhigyada Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida fulinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono

Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Janaraal Sulub Ahmed Firin ayaa faray saraakiisha amniga iyo maamulada Degmooyinka in si wadajir ah u wada shaqeeyan islamarkaana la xoojiyo howlagalada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka Caasimadda.

Degmooyinkan ay kormeerka ku mareen duqa Muqdisho iyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun caasimadda, waxaana degmooyinkan ku xooggan ciidamo hubeesan iyo kooxaha ciyaal weerada.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Sudan iyo Khasaaro Ba,an oo Ka Dhashay
Next articleSafiirka Midowga Yurub u Fadhiyay Khartuum oo lagu weeraray gurigiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here