Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal culus oo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal culus oo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood

0

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood madaafiic dhowr ah ayaa saaka waaberigii lagu duqeeyey qeybo ka mid ah magaalada.

Madaafiicdan ayaa ku habsaday qeybo ka mid ah bartamaha magaalada Laascaanood, waxayna cabsi fara badan iyo argagax ku abuureen shacab fara ku tiris ah oo weli magaaladaas ku nool.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay soo rideen ciidamada Somaliland ee hareeraha magaaladaas kula dagaalamaya ciidamada degaanka ee SSC la baxay.

Rasaas goos goos ah ayaa sidoo kale saaka laga maqlay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta iyo dagaalada goos gooska ah ee saaka ka dhacay magaalada Laascaanood oo labadii todobaad ee u dambeeyey ay ka taagneyd colaad xooggan.

Dhinaca kale, waxaa socda dedaalo lagu joojinayo dagaalka ka socda Laascaanood, iyadoo Maamulka Somaliland uu sheegay inay ergo madax dhaqameed ah u dirayso gobolka Sool, si ay ula soo xaajoodaan isimada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleGudoomiye Makaraan oo qiray isbaarooyin sharci darro ah oo yaalla Sh/dhexe
Next articleNin 10 sano loo raadinayay dilka xaaskiisa oo ugu dambeyn sameeyay hal arrin oo sababtay qabashadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here