Home Wararka Maanta Gudoomiye Makaraan oo qiray isbaarooyin sharci darro ah oo yaalla Sh/dhexe

Gudoomiye Makaraan oo qiray isbaarooyin sharci darro ah oo yaalla Sh/dhexe

0

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa qiray markii ugu horeysay in tiro isbaarooyin sharci daro ah ay yaallaan degaano ka tirsan gobolkaas, kuwaasoo lacago uusan maamulku ka warqabin looga qaado gaadiidka dadweynaha.

Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka aysan shaqo ku laheyn isbaarooyinkaas, balse ay u yaallaan shaqsiyaad gaar ah.

“Waxaa jira kastam canshuuraha lagu qaado oo sharci ah, lana wada ogyahay, mana jiraan wax isbaaro ah oo maamulka u taalla, marka laga reebo kastamkaas” ayuu yiri Makaraan.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa intaas ku daray in isbaarooyinkaas sida loo buun buuniyey aysan u tiro badneyn, ayna yihiin kuwo aad u kooban oo lagu howllan yahay sidii loo qaadi lahaa.

“Sida loo buun-buuninayo uma jiraan isbaarooyinka, shaqsiyaadka ay u yaallaan digniin kama dambeys ah ayan siinay haddii ay u hogaansami waayaan amarka madaxda qaranka talaabo sharci ah ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe.

Arrinta la xiriirta isbaarooyinka lacagaha sharci darada ah looga qaado gaadiidka dadweynaha ee dhooban gobolka Sh/dhexe ayaa mudooyinkan hadal heyn badan ka dhalisay bulshada, waxaana la sheegaaa in isbaarooyinkaas oo 10 ka badan in qaarkood ay ku lug leeyihiin madaxda sare ee gobolka Sh/dhexe iyo kuwa Hirshabelle.

 

Ad
Previous articleRuushka oo Weerar ku qaaday Mareegaha Garoomada Diyaaradaha Germalka
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal culus oo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here