Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii Labaad la kasocda Khartuum

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii Labaad la kasocda Khartuum

0

 

Dagaalkii lama filaanka ahaa ee shalay ka bilowday Magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa galay maalintii labaad kaasoo u dhexeeya milateriga talada haya ee dalkaas ciidamo loo yaqaano gurmadka deg dega ah RSF.

Qaraxyo xoogan iyo tacshiirado ayaa saaka mar kale laga maqlayaa magaalada Khartuum, gaar ahaan meel u dhow xaafadda Al-Riyaadiya oo ciidanka labada dhinac ay ku loolamayaan.

Milatariga Sudan ayaa duqaymo cirka ah ku qaaday saldhig xalay ciidan oo u dhow caasimadda si ay dib ugu soo celiyaan xukunka dalkaasi ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay.

Dhamaadkii maalin uu socday dagaal culus, ayaa ciidanka milaterigu waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Taageerada degdega ah (RSF) ku lahaayeen magaalada Omdurman, oo ku dhow caasimadda Khartoum, sida ay sheegeen goob joogayaal gelinkii dambe ee Sabtidii.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale maqlay rasaas ka dhacaysa magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas, halkaasoo aan horay looga soo sheegin dagaal balse hadda u muuqata inuu ku fiday.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa goor sii horreysay sheegay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen 183 kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo Sabtidii dhex maray milatariga iyo RSF-ta.

Kooxda ayaa sheegtay inay ka diiwaan gelisay dhimashada ugu badan garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo Omdurman, iyo sidoo kale galbeedka Khartoum iyo magaalooyinka Nyala, El Obeid iyo El Fasher.

Taliyaha ciidamada General Abdel Fattah Al-Burhan ayaa u sheegay Aljazeera TV in RSF ay dib u laabato: “Waxaan u maleyneynaa in haddii ay caqli leeyihiin ay dib u celin doonaan ciidamadooda soo galay Khartoum. Laakin haddii ay sii socoto waxaan ku qasbanahay inaan ciidamo kale geyno Khartoum.” ayuu yiri Al-Burhan.

Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in aysan wax gor-gortan ah la geli doonin RSF-ta ilaa in ciidanka la kala diro. Ciidanku waxay u sheegeen askarta RSF-ta iney isku dhiibaan cutubyada ciidanka ee dhow hadii kale ay wajihi doonaan jab xoogan.

Hogaamiyaha RSF, General Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, ayaa ku tilmaamay Burhaan “dambiile”.

“Waan ognahay meesha aad ku dhuumanayso, waana ku imaan doonaa oo kuu wareejin doonaa cadaalad, haddii kale waxaad u dhimanaysaa sida eeyaha oo kale,” ayuu yiri Hemedti.

Iska horimaad daba dheeraada ayaa Sudan gelin kara colaad baahsan iyadoo la daalaa dhacaysay markii horeba burbur dhaqaale iyo rabshado qabaa’il, taasoo meesha ka saaraysa dadaallada loogu gudbayo doorasho.

Ad
Previous articleMuhiimad intee le eg ayay leedahay Magaalada Budbud ee Shalay Alshabaab laga Saaray
Next articleDowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka qarxay Khartuum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here