Home Wararka Somaliya Galmudug Muhiimad intee le eg ayay leedahay Magaalada Budbud ee Shalay Alshabaab laga...

Muhiimad intee le eg ayay leedahay Magaalada Budbud ee Shalay Alshabaab laga Saaray

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ee hadda ka socda bariga gobolka Galgaduud uu ka awood badan yahay wejigii hore si adagna loo qorsheeyey.

Waxaa uu xusay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen howlgalo culus oo Al-shabaab looga saaray degaano fara badan oo ku teedsan xuduuda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo meelo kale.

“Ciidanka maanta dagaalamaya cadow ma hor istaagi karo, Wajigan labaad ee dagaalka waa ka abaabul iyo awood badan yahay wajigii hore” ayuu hadalkiisa ku daray Biixi.

Waxaa uu xusay in shacabka ay ku garab siinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, “Xogta waxaa na siiya dhacabka, ilaa Ceelbuur kuwa naga soo wacaya waxaan leenahay deg deg ayaan idiin soo gaareynaa, han sugi waayina” ayuu yiri Jen Biixi.

Taliyaha ayaa xusay inuu xog badan ka hayo taag darida Al-Shabaab, ayna hadda yihiin wax uu ugu yeeray naf la-caari.

Mar uu ka hadlayey degaanka Budbud oo shalay ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayuu sheega iney muhimad weyn u laheyd isku socodka Al-shabaab oo uu xusay iney hadda ku hareen meelo yar yar, aysana isu gurman karin

Biixi ayaa xusay in degaanka Budbud lagu samey jiray qaraxyada ayna degenaayeen madaxda ugu sareysa Al-Shabaab qaarkood.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa ciidanku wuxuu ku socdaa si xowli ah, waxaana ku ciidi doonaa maalmaha soo socda magaalooyin waaweyn oo hadda ka maqan gacanteena,” ayuu yiri Taliyuhu.

Ad
Previous articleAlshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo la,laayay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii Labaad la kasocda Khartuum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here