Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland ee daacada u ah madaxweyne Siciid Deni iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweynaha ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Garawe.

Sida aan wararka ku helnay dagaal ayaa dhax maray ciidamo ilaalo ka hayay sanaadiiqda doorashada qof iyo cod iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan waxaa ku dhintay ku dhawaad shan askari oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaa sidoo kale jira khasaaro kale oo dhaawacyo ah oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana gaaray goobihii loogu tala-galay sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Socda Duleedka Laasacaanood
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal culus oo Dib uga Qarxay Suudaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here