Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo kuwa ay dhowaan geysay Dowladda ayaa galabta ayaa weli ka socda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay soo sheegayaan dadka ku sugan Maxaas.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii askar ka tirsan Guutada Khaalid Bin Waliid ee ka tirsan ciidamada Soomaaliya ay weerareen ciidamada deegaanka ka dibna ay dileen nin ka tirsanaa ciidanka deegaanka.
Ciidamada Macawiisleyda oo falkaasi dilka ka careysan ayaa ka dib weeraray xerada ciidanka Khaalid Bin Waliid.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa Ciidmda Dowlada ayaana Laisugu geeyey Xerada Aya Ka Daganaayeen Maxaas kadib markii looga adkaaday Dagaalka.
Ad