Home Wararka Maanta Masuuliyiintii lagu Waayay Xatooyo Xoolo Dad Wayne oo Wali Xabsiyada ku jira...

Masuuliyiintii lagu Waayay Xatooyo Xoolo Dad Wayne oo Wali Xabsiyada ku jira Xili Maxkamada Ay Fasaxday

0

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wali xuriyadooda aan la siin masuuliyiin iyo saraakiil maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dambiyo la xariiray in ay ku kaceen musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo dowladda katirsanaa, kuwaa oo qaarkood dambiyo lagu helay laguna xukumay xabsi, halka kuwa kalana dambi lagu waayay ayna ammartay maxkamadda in lasii daayo.

Shanta xubnood oo dambi ku weysay maxkamadda gobolka Banaadir oo isugu jiray agaasimayaal iyo madax qeybeedyo ayaan wali xuriyadooda helin, waxaana la sheegay in wali ku jiraan xabsigii ay horey ugu xirnaayeen.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la sheegay in Khamiistii uu ka cudur daartay in uu qoro warqada dib u celinta xuriyada masuuliyiinta dambiga lagu waayay, waxa uu sheegay in Sabtida maanta qorayo, balse ilaa hadda ma qorin warqada.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in ay ku caadinayaan guddoomiyaha maxkamadda iyo xafiiska xeer ilalainta in ay sii daayaan masuuliyiinta dambiga lagu waayay, waxaana suurto gal ah in xukunka racfaan ka qaataan si mar kale xubnahan dambi loogu soo oogo.

Abuukaatayaasha masuuliyiinta dambiga lagu waayay ayaa warqad u qoray guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, waxa ayna warqada kaga codsanayeen in lasii daayo xubnaha maxkamadda gobolka ku weysay eedeyntii loo heestay.

Ad
Previous articleMaxay ka wada Hadleen Xasan Shiikh iyo Mucaaradka Koonfurgalbeed oo Shir Xasaasi ah ku Yeeshay Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here