Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Dib u Qabsday Deegaanka Ceel...

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Dib u Qabsday Deegaanka Ceel lahelay

0

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Beesha Duduble ayaa Saakay Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel lahelay oo Dhalay Dagaal looga Soo Saaray.

Kadib Duqaymo Culus oo Xalay ilaa Shalay Diyaaradaha Dagaalku Ka Gaysteen Deegaanka Ceel lahelay ayaa La Xaqiijiyay in Alshabaab Isaga Baxeeen Xalay saqdhexe Degaanka Ceel lahelay.

Ciidmada Dowlada ayaa Haatan Ka wada Deegaanka Ceel lahelay Miina Baaris iyo Baadi Goobka Askar Shalay looga soo Tagay Goobaha Dagaalka iyo Dad Wali nolol iyo Geeri la yahay.

Khasaaro lixaad leh  ayaa La sheegay inuu ka dhashay Dagaalka Alshabaab Shalay ku Qaadeen  Deegaanka Ceel lahelay Ciidamada Deegaanka Gaar ahaan Beesha Duduble ayaa La xaqiijiyay inay ka Geeriyooday ku Dhawaad 10 Askari Halka Danab la Xaqiijiyau inay Ka Geeriyoodeen ilaa 5 Askari.

Dhan kale Dowlada Soomaaliya Ayaa Sheegtay in Alshabaab Badan lagu Dilay Dagaalka

Ad
Previous articleMadaxweynaha Fransiiska oo sheegay in safiirkiisii Niger “afduub loo haysto”
Next articleWaa Sidee Xaalada Qoor Qoor iyo Madaxdii kale ee Lageeyey Magaalada Muqdisho?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here