Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Sidee Xaalada Qoor Qoor iyo Madaxdii kale ee Lageeyey Magaalada Muqdisho?

Waa Sidee Xaalada Qoor Qoor iyo Madaxdii kale ee Lageeyey Magaalada Muqdisho?

0

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Aadan (Gobaabe) oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay xaaladda madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo isaga iyo mas’uuliyiin kale shalay qarax lagula beegsaday deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Galgaduud, kadib weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in xaaladda madaxweynahaee wanaagsan tahay, isla-markaana uu fashilmay isku daygii dilka ee ay la damacsanaayeen xoogaga Al-Shabaab

“Madaxweynaha wuu fiican yahay Alxamdulilaah, waxaana fashilinatay dhagartii Khawaarijta, Ilaahayna wuu ka nabad-geliyay shacabkii, ciidamadii meesha joogay iyo dhammaan mas’uuliyiinta, marka waa fiican yahay madaxweynuhu” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in madaxweynaha iyo raggii kale ee dhaawacmay loo soo qaaday Muqdisho, isla-markaana ay waxyeelo aan badneyn ay kasoo gaartay dhismaha guriga kusoo dumay oo qaraxu halakeeyay.

“Xamar wuu gaaray laakiin wax dhib ah oo maanta la dhihi karo culays iyo dhib wayn oo gaaray ma aysan jirin, marka xaaladda waa sidaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin howlgallada socda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, haddana uusan jirin dhib weyn.

“Meel hadii uu dhib ka dhaco qarax waa taqaanaa guryo dumay iyo jiingad qof meel ka xagatay waxaas uubnaa dadka kasoo gaar gaaray” ayuu mar kale yiri wasiir Axmed.

Waxaa kale oo uu yiri “Meesha aan joognay furin-bey ahayd oo ah ciidanka difaaiicsa hore ah furinta marka loogana looma tegin in la’iska dalxiisee waxaa loo tegay xabad iyo dagaal inuu dhaco”.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socd guluf dagaal oo ay ka qayb-qaadanayaan madaxda sare oo uu ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug oo uu tegay dagaalka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Dib u Qabsday Deegaanka Ceel lahelay
Next articleWiil uu dhalay ninka caanka ah ee Joaquín “El Chapo” Guzmán oo loo gacan galiyay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here