Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Beesha Duduble ayaa Saakay Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel lahelay oo Dhalay Dagaal looga Soo Saaray.
Kadib Duqaymo Culus oo Xalay ilaa Shalay Diyaaradaha Dagaalku Ka Gaysteen Deegaanka Ceel lahelay ayaa La Xaqiijiyay in Alshabaab Isaga Baxeeen Xalay saqdhexe Degaanka Ceel lahelay.
Ciidmada Dowlada ayaa Haatan Ka wada Deegaanka Ceel lahelay Miina Baaris iyo Baadi Goobka Askar Shalay looga soo Tagay Goobaha Dagaalka iyo Dad Wali nolol iyo Geeri la yahay.
Khasaaro lixaad leh ayaa La sheegay inuu ka dhashay Dagaalka Alshabaab Shalay ku Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay Ciidamada Deegaanka Gaar ahaan Beesha Duduble ayaa La xaqiijiyay inay ka Geeriyooday ku Dhawaad 10 Askari Halka Danab la Xaqiijiyau inay Ka Geeriyoodeen ilaa 5 Askari.
Dhan kale Dowlada Soomaaliya Ayaa Sheegtay in Alshabaab Badan lagu Dilay Dagaalka