Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Alshabaab Shirsanaa oo La Duqeeyey

Wararkii ugu danbeeyey Alshabaab Shirsanaa oo La Duqeeyey

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helayay ciidamada Mareykanka ayaa 5-tii bishan weerar dhinaca cirka ah ku qaaday deegaanka Qoob Yaxaaas, oo qiyaastii 80-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Buula Burte ee gobolka Hiiraan.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in weerarkan lagu beegsaday goob lagu daweeenayay dhaawacyada dagaalyahnno badan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo kusoo dhaawacmay deegaanno kala duwan oo dalka kuyaalla.

Sonna ayaa sheegtay in xilliga weerarku dhacayay ay halkaasi shir ku lahaayeen saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka arrinsanayay sidii laga yeeli lahaa dhaawacyo badan oo deegaankaasi lagu daweenayay, kuwaa oo qaarkood ku jireen kuwa cul culus.

Goobta la weeraray ayaa la sheegay in lagu daweenayay in ka badan 100-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa ayna dhaawacyada ku jireen teendhooyin la sheegay in laga dhisay deegaanka Qoob Yaxaas.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dowladda Soomaaliya wado abaabulkii ugu dambeyn howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin gacantooda ku jira oo katirsan maamulka Galmudug.

Ad
Previous articleWasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo edayn Culus loo jeediyay
Next articleMudada uu Xasan Shiikh ku Sugaanaaya Dhuusamareeb oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here