Home Wararka Somaliya Galmudug Mudada uu Xasan Shiikh ku Sugaanaaya Dhuusamareeb oo La Shaaciyay

Mudada uu Xasan Shiikh ku Sugaanaaya Dhuusamareeb oo La Shaaciyay

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay safarka uu madaxweynaha kuu joogo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu Dhuusamareeb u tegay inuu guto waajibaadka shaqo ee saaran, gaar ahaan jiheynta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Safarka madaxweynaha ku joogo halkan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waa safar shaqo, waa safar uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu fulinayo waajibaadka qaran ee ay u igmadeen” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Marka madaxweynaha si guud shaqo gudashadiisa ayuu ku jiraa, si gaar ahna wuxuu halkan u joogaa inuu dardar-geliyo oo dadka reer Galmudug iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed uu ku garab istaago sidii loo soo gabagabeyn lahaa meelaha yar yar ee ay Khawaarijta ka joogta gobollkan”.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynuhu uu magaalada Dhuusamareeb joogo illaa inta uu ka dhameysanayo howlaha uu yimid, isla-markaana uu booqan doono deegaano kale oo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Madaxweynaha meelo kala duwan ayaa tegi doonaa waqti cayiman ma jiro inta uu howlihiisa qabsado waqti uu ku guto ayuu joogi doonaan, gobolka meelo kale oo kamid ah ayuu booqan doonaa, sidoo kale dalka meelo kamid ah ayuu tegi doonaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxweynaha uu si caadi ah ugu sii shaqeynayo caasimada Galmudug, halkaasna uu ka qabsan doono howl maalmeedkiisa kale.

“Madaxweynaha howlihiisa maalmeedka caadiga waa wataa shaqadiisa caadiga waa wataa, laakiin waqtigiisa ugu badan wuxuu gelinayaa xoereynta dalka” ayuu sii raaciyay.
Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Alshabaab Shirsanaa oo La Duqeeyey
Next articleXabsiga Cimran Khan ku xiranyahay oo laga walaacsanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here