Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Saqdhexe Weerar Culus kusoo Qaaday Degmada...

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Saqdhexe Weerar Culus kusoo Qaaday Degmada Kaxda

0

Xalay Saqdii Dhexe Abaaro Sideed Saac oo Habeenimo ayaa inta Badan Magaaalada Muqdiaho Waxaa laga Maqlay Qarax Culus oo Dad badan Jifka Ka Kiciyay.

Qaraxaan ayaana La Xaqiijiyay inuu ka Dhacay Degmada kaxda Gaar ahaan Saldhiga Taas oo Alshabaab ku dhufteen Gaari Walxa Qarxa laga Soo Buuxiyay.

Qaraxaas kadib ayaa Ciidamo Ka Tirsan Alshabaab waxay Weerar Culus kusoo Qaadeen Degmada Kaxda Dagaal Saacado Badan Qaatay Ayaana Halakaas ka Dhacay.

Dagaalka ayaana si gaar ah uga dhacay Saldhiga degmada , Buurta Cali Jannaale & dhowr Chekcpoints oo Ciidamada Dowladu ku sugnaayeen.

Taliyaha saldhiga degmada Kaxda ayaana ku Dhaawacmay dagaalkaan Xilu uu kusugnaa Saldhiga Lasoo weeraray.

Dhanka kale ciidan aad u tiro badan oo gurmad u ah Kaxda ayaa la kacday miino ay la qaraxday gaari uu leeyahay taliyaha qeybta Mooshin balse uu saarnaa taliyaha saldhiga degmada Dharkenlay Salaad.

Lama oga Qasaaraha Rasmiga ah ee ka Dhashay Dagaalkaan Xalay lagu Qaaday Kacda Madaama Xili Hurdo ay ahayd.

Dowlada Soomaaliya ayaana Wax war ah Wali kasoo Saarin Dagaalkaan Culus ee Xalay Dhacay Alshabaab ayaana Mar mar Saqdhexe Weera Degmada Kaxda Ceelsha biyaha iyo Saldhigyo kale oo Muqdisho ku Yaala.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo U Yeeray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya kadib…
Next articleLabasano kahor ayaa La Dhigay Tacsidiisa Xoolihiisana La Dhaxlay Balse asagoo nool ayaa Shalay la arkay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here