Home Wararka Maanta Labasano kahor ayaa La Dhigay Tacsidiisa Xoolihiisana La Dhaxlay Balse asagoo nool...

Labasano kahor ayaa La Dhigay Tacsidiisa Xoolihiisana La Dhaxlay Balse asagoo nool ayaa Shalay la arkay Galmudug

0

Nin aan ka Hadlayno Waa C/laahi Maxamuud Tabeeli oo u dhashay Beesha Murusade Tacsidiisana la dhigay Laba Sano ka hor Xoolihiisiina la dhaxlay Carurtiisiina ehelada loo kala Qaybiyay balse  isagoo Nool Shalay lagu arkay Degaanada Galmudug.

Cabdullahi Tabeele ayaa Waxaa Xabsiga Dhigay Kooxda  Alshabaab Mudo laga Joogo labasano kahor Taas oo Alshabaab u Sheegeen Dadka ehelka u ahaa Tabeeli inuu Geeriyooday.

C/laahi Maxamuud Tabeeli ayaa Alshabaab ka  Wateen Degmada Wabxo Mudo laga Joogo Labasano Kahor Tabeele ayaana Caan ka ahaa Degamada Wabxo.

Nasiib Wanaag Shalay Subax ayuu Tabeele ka mid noqday Dad Alshabaab kasii Dayeen Xabsiga Degmada Ceelbuur.

Qaar kamid ehelkiisa oo Warbaahinta Lahadlay ayaa Sheegay inuu lasoo Hadlay layaabna ay ku noqotay inuu Tabeeli noolyahay Ehelka ayaana Sheegay inay Horay uga Samreen Cabdullahi Tabeeli.

Waxayna Sheegeen inaysan ilaawi Doonin uurkutaalada ay Alshabaab ugaysteen balse ay ku farxeen inuu Wali noolyahay.

Waxaa Jira Dad badan oo Alshabaab Qabteen Balse raq iyo Ruux lawaayay Halka ay Geeyeen Dadka Qaar ayay Alshabaab ku Xiraan Gobolo iyo Deegaano aysan Waligoood Tagin.

Alshabaab ayaana ooda Ka Qaaday Shalay Maxaabiistii ku Xirbayd Xabsiga Degmada Ceelbuur oo Haatan Ciidamada Dowladu Qarka usaaranyihiin inay Lawareegeen.

Sidoo kale Alshabaab ayaa Dadkii Shacabkaa ahaa ku Qasbay inay Ka Guuraan Magaalada aysan kusoo laaban karin Sidoo kale Alshabaab ayaa Agabkoodii karartay Degmada Ceelbuur oo u muuqata inay Gacan ku hayntooda ka baxayso Saacadaha Soosocda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Saqdhexe Weerar Culus kusoo Qaaday Degmada Kaxda
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Qarka usaaran Degmada Ceelbuur iyo Alshabaab oo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here