Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyay Xildhibaano iyo Wasiiro gaaray Deegaanka Shirkoole

Wararkii ugu danbeeyay Xildhibaano iyo Wasiiro gaaray Deegaanka Shirkoole

0

Waxaa caawa Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan ka taagan xiisad dagaal oo laga cabsi qabo in uu ka dhax qarxo ciidamo badan oo daacad u ah Janaraal Saadaq Joon iyo ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa gaaray xaafada Shiirke ee degmada Hodan, ciidamadan ayaana ku sugan guri uu halkaasi ka degay Janaraal Saadaq Joon.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada caawa gaaray waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawadaa , Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Cabdi Saabir oo sidoo kale ah Wasiirka kaluumeesiga maamulka Galmudug.

Xildhibaanadan iyo kuwa kale oo katirsan Baarlamaanka federaalka kuna heyb ah Saadaq Joon ayaa wararku sheegayaan in ay deegaansanayaan xaafada Shiirkole halkaas oo xiisad dagaal ka jirto.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada caawa ku sugan xaafada Shiirkole ayaa sheegay in Farmaajo iyo taliyaha Hay’ada nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ay duulaan kusoo yihiin xaafada Shiirkole , waxa uuna ku baaqay in ciidankaasi la iska difaaco.

”Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xaafada Shiirkole oo ah xaafada ay ku badan yihiin qabiilka uu kasoo jeedo Saadaq Joon ayaana caawa si weyn looga dareemayaa xiisad dagaal, waxaana laga cabsi qabaa in xaafadaasi weerar ku qaadaan ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleCiidamo uu wato Saadaq Joon oo mar kale Dagay Shiirkole iyo Xiisad ka taagan Magaalada
Next articleXildhibaano ka Tirsan Dowladda caawa Dowladda Farmaajo Weerar Afka ah ku qaaday