Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka

0

Waxaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana loo ballansan yahay in la doorto ku xigeenada koowaad iyo labaad kadib markii xalay la doortay gudoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadan xil ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo taagay illaa 10 musharrax, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo sharraxeen illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

 

 

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay,” ayuu yiri gudoomiyihii Ku meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Ad
Previous articleMuxuu Laftagareen Ka yiri Doorashadii looga Adkaaday Musharixii uu Watay?
Next articleWaa kuma Sheekh Aadan Madoobe, Gudoomiyaha cusub ee Xalay Wacdaraha Ka Dhigay Afisyooni?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here