Home Wararka Maanta Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe, Gudoomiyaha cusub ee Xalay Wacdaraha Ka Dhigay...

Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe, Gudoomiyaha cusub ee Xalay Wacdaraha Ka Dhigay Afisyooni?

0

Waxaa xalay saqdii dhexe teendhada Afisyoone loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe), kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen wareegga labaad uu helay 89 cod.

Hadaba waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Sheekh Aadan Madoobe Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Aaden Madoobe waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka
Next articleHowsha ugu horreysa ee deg degga ah ee hortaalla Aadan Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here