Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wararkii Ugh Danbeeyey Duqay lagu beegsaday horjoogayaal guri ku shirsanaa oo...

Wararkii Ugh Danbeeyey Duqay lagu beegsaday horjoogayaal guri ku shirsanaa oo ka dhacay…..

0

Wararka ka imaanaya degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus loogu geystay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaamadeedsaday howlgalka.

Sida ay Mudug24 u sheegeen ilo xog ogaal ah guriga la bartilmaameedsaday waxaa ka socday shir xasaasi ah oo xubno Shabaab ah ay halkaas ku lahaayeen.

Shabaab-ka la duqeeyey waxay ka shirayeen sida ay ka yeelayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka, Haramcad iyo boolis-militeri ay ka bilaabeen aagga deegaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in guriga la duqeeyey uu joogay oo shir guddoonka xubnaha halkaas ku shiraayey uu ahaa ninkii Shabaab guddoomiyaha uga ahaa Sh/Hoose, balse weli lama xaqiijin inuu geeriyooday.

Kooxda Al-Shabaab waxay culeys badan kala kulmeysaa ciidamada dowladda ee ka gudbay xeebaha bari ee Muqdisho, kuwaas oo u sii ruuqaansanaya deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha loo geysanayo kooxda ayaa ah kuwo ay ku naafoobeen, maadaama ay ka quusteen inay meel isugu tagaan oo shiraan ama isku gudbaan oo wadooyin iyo gaadiid ay ku safraan.

Guriga lagu duqeeyey ee Sablaale ku yaalla waxaa la sheegay inay joogeen ku dhawaad 30 horjooge iyo maleeshiyaad badan, kuwaas oo ajendaha shirkooda uu ahaa dagaalka dowladda iyo howlgallada kooxda looga sifeynayo Sh/Hoose.

Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay furimaha dagaalka ee Galmudug, isagoo balan qaaday inuu dib u abaabulayo dagaalka kooxda, isla markaana ay ka go’antahay in deg deg dalka looga xoreeyo, wuxuuna dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidankii Khawaarijta ka difaacay Xarardheere.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Markale u Guuraaya Dhuusamareeb iyo Dagaal Culus oo Bilaaban Doona
Next articleDowlada Xasan Shiikh oo Qaaday Talaabo ay Caan ku ahayd Nabad iyo Nolol