Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale u Guuraaya Dhuusamareeb iyo Dagaal Culus oo...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale u Guuraaya Dhuusamareeb iyo Dagaal Culus oo Bilaaban Doona

0

Sida aan ka Xaqiijinay  ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida la qorsheeyey hadii aysan wax iska bedelin, madaxweynuhu wuxuu Dhuusamareeb u guurayaa 10-ka bishaan Abriil, waxaana toos u bilaabanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’

Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaaladii Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka balan-qaaday in Shabaab-ka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo hada ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay argagixisadu joogto.

Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamadii Guutada Abuu-dujaana oo ka baxday Camaara iyo Bacaadweyne ayaa ku sugan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli aan la kulmi wax dagaal ah, balse tiranaya tabashooyin aan badneyn oo dhanka mushaarka ah.

Sidoo kale qabaa’il kasta ayaa heysta ciidamo badan oo abaabulan una diyaarsan inay wajahaan Khawaarijta, ciidan aan guuto ka yareyn oo u diiwaan gashan daraawiishta Galmudug ayaa iyaguna jooga aagga Wisil.

Xasan Sheekh ayaa hadda go’aansaday inuu dib u abaabulo ciidamadaas oo la galo dagaalka, Shabaab-na laga soo dhameeyo gobollada dhexe, wuxuuna howlgalkaas ka hoggaami doonaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo la qorsheeyey inuu dego wixii ka dambeeya 10-ka bishaan Abriil.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Iiraan oo Wacad ku Martay inay ka Aargudan Doonto Israil
Next articleWararkii Ugh Danbeeyey Duqay lagu beegsaday horjoogayaal guri ku shirsanaa oo ka dhacay…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here