Home Wararka Maanta Wararkii u dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Turkiga

Wararkii u dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Turkiga

0

Laba askari oo ka tirsan booliska ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay magaalada Ankara ee dawladda Turkigu ku tilmaamtay mid argagixiso.

Tiro badan oo booliis ah iyo kooxo ciidamo gaar ah ayaa loo diray gobolka.

Dhul ballaaran oo dhowr kiilo mitir ah oo ku xeeran wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga xiray isu socodka gaadiidka.

Waxaa laga digayaa ka digtoonaanta qarax kale, waxaana la aruuriyay cadeymaha ku dhex jira gaariga qarxay iyo qeybaha kale ee firidhka qaraxa.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ankara ayaa bilaabay baaritaan ku aadan weerarka.

Maxkamadda Dembiyada ee Ankara ayaa sidoo kale go’aansatay inay xannibto gelitaanka warbaahinta ee goobta iyo baahinta wararka ku saabsan.

Ad
Previous articleWeerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga
Next articleGaari Alshabaab Qaraxyo kusoo Rareen oo Gacanta Lagu Dhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here