Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolkaasi, xilli ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.
Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda aagga magaalada Wabxo, waxayna ciidamada Danab weerareen deegaanka Ceel Gumad Gaal oo u dhow magaaladaasi.
Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay dagaala u dhexeeyay ciidamada Danab iyo Xoogaga Al-Shabaab oo haatan dib loo sii riixaayo, marka la eego gulufka ku socda ee Galmudug.
Taliye ku xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Maxamed Sheekh oo ka hadlay howlgalldaas ayaa sheegay in duqeynta ay la eegteen saldhigyo ay Al-Shabaab ka difaacayaan degmada Ceelbuur, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare xoogleh.
Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Dac oo ka tirsan isla gobolkaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.