Home Wararka Somaliya Warar laga helayo kulankii xalay dhexmaray Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharaxiinta

Warar laga helayo kulankii xalay dhexmaray Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharaxiinta

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan Kulan ay xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxda dowlad goboleed Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo waliba Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh, Shiikh Shariif iyo siyaasiyiin kale.

Waxaa looga hadlay kulankan qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda cakiran ee dalka iyo muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyey Hay’addaha dowladda.

Shariif iyo Xassan Shiiklh oo si weyn uga soo horjeeda Muddo Kordhinta Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ku cadaadinaya labada hogaamiye ee Cali Guudlaawe iyo Qoor-qoor ineysan taageerin muddo kororsiga, taasoo ay u arkaan iney tahay wadada kaliya ee lagu fashilin karo.

Qoor-qoor ayaa horey u sheegay inuusan taageeri doonin wax muddo kororsi ah, hase ahaatee markii uu golaha shacabku arrintaas u codeeyey ayuu ku dhiiran waayey inuu qaato mowqif rasmi ah, halka Cali Guudlaawe si fudud ay Villa Somalia uga dhaadhicisay inuu ogolaado.

Axmed Qoorqoor iyo Guudlaawe ayay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan iney u hogaansameen cadaadiska kaga yimid madaxdii hore ayna haatan qorsheynaayaan iney soo saaraan war wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga.

Farmaajo ayaa haddii ay garabkiisa ka baxaan Axmed Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxaa loo arkaa iney tahay dharbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday, taasoo ugu dambeyn horseedi karta inuu fashilmo muddo kororsiga.

Ad
Previous articleGalmudug iyo Hirshabelle oo diiday Muddo Kororsi xili xalay ay la kulmeen Madaxdu Musharaxiinta
Next articleXogta Mudug24 ka heshay Madaxweyne Qoor Qoor oo aan ku Qanacsaneen Qorshaha Farmaajo iyo Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here