Home Wararka Somaliya Warar laga helayo Dil ka dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Warar laga helayo Dil ka dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

0

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaddda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Gudaha Saldhiga degmadaas lagu dhex dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee ka howlgallada Magaaladaasi Dhuusamareeb.

Askariga oo lagu Magacaabi jiray Cumar Cabduqaadir Jaamac ayaa waxaa la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyay  askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Booliska, kaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Naasir Doceey.

Dad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Idaacadda Risaala in labada askari uu soo kala dhex-galay khilaaf, iyaga oo Shaqo ku wada jira, taasi oo keentay in mid kamid ah askarta uu midka kale dhowr xabadood uu ku dhufto.

Laaamaha Amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana wararku sheegayaan in askarigii dilka geystay ee ka tirsan Ciidamada Booliska Mauu baxsaday, isla markaana Ciidamada ay ku raad joogaan.

Ad
Previous articleGalmudug oo Xukun ku riday Nin Afduub u geestay Gabar Lix Sano jir ah
Next articleGaari ay Saarnaayeen Ciyaartoy Galmudug ah oo Shil ku galay Gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here