Home Wararka Somaliya Galmudug Gaari ay Saarnaayeen Ciyaartoy Galmudug ah oo Shil ku galay Gobolka Galgaduud

Gaari ay Saarnaayeen Ciyaartoy Galmudug ah oo Shil ku galay Gobolka Galgaduud

0

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen Ciyaartooyda Kooxda Kubadda Cagta heerka 1aad ee degmada Cabudwaaq xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Cabudwaaq iyo degaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaarigii ay saarnaayeen Ciyaartooyda uu rogmaday, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka mid kamid ah Ciyaartoyda Kooxda Haramcad ee degmada Cabudwaaq halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa tegay dadka degaanka, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Ciyaaryahanka iyo dhaawaca Afarta kale oo la sheegay in uu culus yahay, waxana la geeyay Isbitaalka degmada Cabudwaaq si halkaasi loogu daweeyo.

Wadooyin dhowr ah oo ku yaal degaano hoostaga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer ay ka dhaceen shilal Gaari, waxaana la sheegay in ay sabab u tahay wadooyinka qaar oo aad u burbursan.

Ad
Previous articleWarar laga helayo Dil ka dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb
Next articleAlshabaab oo dib ula Wareegay Camaara iyo Bacaadweyn ee gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here