Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday...

WAR DEG DEG AH: Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Saldhig lagi Tababaraayay Ciidamada Dowlada Soomaaliya

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Lama Oga Wali Khsaaraha Ka Dhashay Dagaaalkaan Oo wali socda Ciidamadaan Saakay La Weeraray ayaa Waxaa Horay u Diidanaa Maamulka Jubaland .

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)
Next articleXuseen Maxamed Cabdi oo Dilay Xaaskiis oo asna La Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here