Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xalay magaalada Kambaala ee dalkan Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Ad
Previous articleCiidmada Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay ciyaal Weero Farabadan iyo Hubkooda(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Saldhig lagi Tababaraayay Ciidamada Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here