Home Wararka Somaliya Hirshabeelle War Deg Deg ah:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde

War Deg Deg ah:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde

0

Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd  qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay afarta gees ee magaaladaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay suuq lagu iibiyo hilibka oo ku yaalla xaafadda Indho-ceel ee degmada Buuloburde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Mudug24 u sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo iyaguna howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan abaabulka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa indhowaanahaan weeraro ku heysay shacabka gobolka Hiiraan, waxayna aheyd maalmo kahor markii weerar is-miidaamin ay ka fuliyeen Beledweyne.

Ad
Previous articleGalmudug oo War kasoo Saaratay Qaraxyadii Saakay lagu Qaaday Dhuusamareeb
Next articleRa’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Soo Gaaray Dhuusamareeb oo Saakay Qaraxyo ka Dhaceen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here