Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo War kasoo Saaratay Qaraxyadii Saakay lagu Qaaday Dhuusamareeb

Galmudug oo War kasoo Saaratay Qaraxyadii Saakay lagu Qaaday Dhuusamareeb

0

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmuddug Abshir Cabdi Shiiqow oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saaka ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa la fashiliyay, isla-markaana ay ka hortageen ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay boggaadin mudan yihiin ciidamada ammaanka ee isku dhigay labada baabuur ee ku qarxay duleedka caasimada Galmudug.

“Waxaan u mahadcelineynaa oo aan aad u amaaneynaa geesiyaasheenna oo runtii isku dhigay gaadiidkaas miineysnaa, ayaga oo bad-baadinayo shacabkooda” ayuu yiri.

Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyadaan ay ku dhaawacmeen 2 qof, isla-markaana aysan jirin wax dhimasho ah, sida ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Khasaaraha ka dhashay aad ayuu u kooban yahay Axlm, laba qof ayaa dhaawac soo gaaray, mana jiraan wax dhimasho ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa dhanka kale, farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kuna biiraan dagaalka Al-Shabaab.

Weerarkan la fashiliyay ayaa kusoo aaday, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku sugan yahay Dhuusamareeb oo uu u tegay dagaalka adag ee lagula jiro kooxd Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleGallad Cilmi Dhuxul oo Gaari ka Horgeeyey mid kamid ah Gaariyaashi Qaraxyada Siday ee lagu Weeraray Dhuusamareeb iyo Kahasaaraha Ka dhashay Qaraxyadaas
Next articleWar Deg Deg ah:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here